GABAY

  1. gabaygani waa duco 
    1. aadanow waxaan sheegayaa erayo waaweyne

  2. gabaygaygu oogada sariyo guban ku aadnaaye
  3. aduunyada intii soo hadhayna wuu agdagayaaye
  4. arartayda maqal hadalka waan kuu akhriyayaaye

  5. nebi aadan goortii illaah uumay ee keenay
  6. ooftiisa bidixdana kolkaa xaawo ka abuurye
  7. oridiisi bay noqotayoo waan ogsoonahaye
  8. illaamaanta tarantoodibaa joogta aradkiiye
  9. laba walii ayaanbay fahmaan inay midoobaane
  10. oo ay alaabada rartaan gurina ootaane
  11. afar dhaanti aan caashaqee iga ilmaysiisay
  12. aduunyada midii aan umaray idil ahaanteedba
  13. akhlaaqdeeda tii aan u bogay edebta looyeelay
  14. uurkiyo afkayguba miduu wada amaanaayey
  15. taan aynigeed kalabaxeen abid ku taamaayay
  16. arooskeeda tii aan jeclaa aqal ku hoynteeda
  17. ayaankayga tii aan jeclaa ku istareexeeda
  18. calaf lagama ooyee haday ii ahaan wayday
  19. inaan sabir adkaystaa naftay aamin galinayye
  20. allahayow  waxaan kaa igmado iga ajiib  maanta

  21. allahayow midaan aaminoo eheladaydiiya
  22. allahayow midaan iga qubayn waxan usiidhiibto
  23. allahayow mid ubad iidhashaan aabe ku idhaahdo
  24. allahayow midaan umada dhibin eedna laga sheegan
  25. allahayow midaan eegmadiyo aragu diidaynin
  26. allahayow ilwaad quruxsan ley ubax sidiisiiya
  27. allahayow mid ehlu diinahoo inan islaameeda
  28. allahayow qaraabiyo isirba midan illaawaynin
  29. allahayow miduu uu miyuhu igu jeclaanaayo
  30. allahayow mid ila ayniyoo igu banaanaata
  31. allahayow maruun iigu beeg waw asqaysnahaye

Comments

gabayo

GEERAAR

G GEERAAR