GEERAAR
kani waa geeraar xigmadi ku dheehan tahay oo katarjumaya ama tilmaamaya qabiilo kamida qabiilooyinka soomaaliyeed dhaqankooda,noloshooda iyo suuradooda.
abwaan maxamed maxamuud |
qaafo weeye dadkeenu oo
waa qadiimi runtiiyoo
waa dadaan qaldamaynoo
isirkoodu qaloocan
waa dad qoomiyadoodiyo
qabiilkooda kufaanoo
qasab aanay ahaynoo
ruuxna loo qabsanaynin
waa qaneeca dad yeeshoo
qalinkooda anfaaciyo
qorshayaal ku samaystoo
qaran buuxa ahaaday
waa dad aad u qabweynoo
qarsanaaya dhibkoodoo
ruuxkastoo quudhsanaaya
qadaadkay ku dhuftaan
waa dadaad qosolkoodiyo
qaraaxaysiga yaabtid
marka ay qayilaane
qaadka ay cunayaan
qaraamigooda macaaniyo
qaaci bayska tuntaan
waa dad aan qalalaasiyo
qalqalooca jeclaynoo
qaribaynin amaankoo
qabsanaaya dantooda
waa dad diinta quweeyoo
baranaaya quraankoo
qiimaynaaya islaamkoo
quman oo tubta haysta
waa dad xeer qabanaayoo
qudbiyaal dhaqan yeeshoo
qolona aanay gudbaynoo
qadaf aanay galaynin
waa dadaad quruxdooda
quraysh aad umalaynoo
labada qaar iyo tuurtiyo
qadaadkaa yare buuran
waa dadaan qaawanaynoo
qajiloo islayaaba oo
ruux kastoo quumuluudii
ma qarsoomo dhexdooda oo
xadhig ay ku qabtaaniyo
quful bay ku xidhaan
waa dadaan u qushuucin
wixii aan uqalmaynoo
qaradkii aad lahaydiyo
qisadaada nacaaya oo
qaadiro ay qabanayso oo
qawda miiska ka yeedhi
qaniinaayo dubaaboo
qarwayoo lulo hayso
waa dad aad qaxwahooda
qamri aad umalaynoo
liindhanaan la qamiirshiyo
kafaybay ku qasaanoo
koob markaad ka qacsiiso
quruun aanad arkayniyo
jiniyaa kula qooqi
hhhhhhhhh
ReplyDelete