masafo

 Suugaan anmariyiyo

Gabay maan jeclaynoo

Midbaa igu qasbaysee

Muraad kama galeenoo

Muhiimada ujeedada

Aan madasha keenee

Mad madow masaaree

Maqla oo bal daawada


Aduunyada masiibiyo

Wanaag baysku maranoo

Murankiyo is haysigu

Waa meheradeedoo

Waxkastoo ka muuqdaba

Hadaan loo muraad qumin

Nina waxanu mahadinin

Baa meesha imanoo

Mataanahan is dilayaan

Miyar odhanayaayoo

Midkastaba gartiisaan

Miiska saarayaayoo


Marka hore isaaqow

Maamulkiyo nidaamkii

Maydaankaa dhigteenoo

Ninwalbaa ka muuqdoo

Cidna lama masuuginoo

Meel looma diidine

Xilku meerto weeyoo

Marba qaar yimaadee

Milgahaa lahaydeen 

Haatan muuqanwaayoo

Cidaa maamulayseen

Burburbaa ka muuqdoo

Sool magaaladeedii

Colaadbaa ka milanoo

Maxay rabaan maxaa dhacay

Meeshaba mataaloo

Madaxweynihii bay

Dadkii maagayaanoo

Muusow adaa dilay 

Ku madiixayaanoo

Laakiin maaha saasoo

Mudo dheer waxsoo jiray

Tabasha ay mudnaayeen

Xe0er looma marinoo

M







Comments

gabayo

GEERAAR

GABAY

G GEERAAR