Gabaygii badaha duunkooda

 hadaan gabay daraaday ah iyo hadalka siidaayo

docahayga waxataagan waa labadi daa uuse

ma diidaan wixii aan u diro  kamana daalaane

dacwadayda maan faro dal iyo dibad hageeyeene


shimbiryahow dareen waxad qabtaa dayma fiiralehe

markaad samada duulayso eed daruurahaa gaadho

baalahaaga hoos how dejinin darafna howleexin

dibnahaaga xidho yaan waxkale daanka kuu galine

markaad daadagaysana sidagan lugaha siidaadi


soodhoweyn diyaarkuu ah iyo madax ku doonaysa

bisadiyo digaag bawgu weyn oo ku darajayne

salaan diiran weji dabacsan iyo calamo wada dooga

dun xariira dahab iyo xarago bay ku deeqsiine

fanaaniin diyaar kuu ah baa kuu dabaaldagiye

heesaha midaad dooratay kaaga danan siine

dareen farxadleh baad kala kulmay dayasho ruuxmudane


markaad daarti qasrigooda iyo dudadi aad gaadho

degdeg howgu boobine tartiib dooda ugu sheego

waxad tadhi dalkii baan ka imi badaha duunkooda

nabad bay ku daanshoonayeen duciyo khayrkeed dhe

abaar dubatay may hayninoo roobki waw da ay dhe

degaanti bow curatayoo darare maalkiidhe

qaarbaase yare dirirsanoo diidan nabadiidhe

dacawadiyo dhidarkii dhurwaa isma dilaayaandhe

dowladbayna wada leeyihiin daacadoo wacandhe

deriskiyo dantood uma wadaan baysku dirayuundhe

qorato iyo dibir baa kujira degeladoodii dhe

qarandidaa dedaal ugu jirtiyo daaha dabadiisdhe


bahalihii daliigaaye iyo miciya doofaarle

kuwii daynta loo haystayee dilay malaayiinta

kuwii nafaha aan dembiga galin qarxiyee duugay

kuwii koonfur daaduunshayee horumarkeed diiday

kuwii  duhurka weerari jiree dumiyayee boobay

kuwii dariiqi toosnaa gabee diinti ka habaabay

kuwii dacarta ay qooshayaan looga dalan doolay

duulbadan kuwii qixiyayee dibadahaa geeyey

xuquuqdoodi kuwa duudsiyee nabsi ku daanshooday

gabalkoodi kuwa uu dumee dunida ceeboobay

markii ayax ku duulani helee doorshay midabkooda

markay koronkoradi daad sanayd daaqday hilibkooda

markay yaydi diihaalsanayd dilatayooy nuugtay

difaac adag kuwii loo galaye jaanis loo diiday

kuwii daahir calasow arkee daawadee yaabay

markuu duni hagaagay arkiyo nabada soodurugtay

diyaasbaradi daashatayna uu dibuga soo laabtay

waxan gabayga ugu soodarsaday farxad daraadeede

nimankaa waxaydoonayaan diidayee nacaya

weligoodba meel degelka baxay way dugsanayeendhe

halkanay durtaba moodayaan inay daboolayso

waa daahir yaa shamir waxay nagu dayaayaandhe


daba huwan qorshahan soo dagtaa oogtay dirirtaadhe

dibindaabyo gacalbay wadaan dani iyo xeesheed dhe

waa kuwo an diirnaxa aqoon debec walaalnimo e

damac iyo siyaasada guracan bayla darareen dhe

dambarkeeda inay maalayaan uma dareen qabodhe

deegaanka uunkii lahaa doorte samihiidhe

waa kuwo dhib aan doonahayn daayim abidkoode

waa kuwo xumaha diidanoo lagu dirqiyaa dhe

hadii daawo loo heli lahaa daaban godintii dhe.


hadalkaa sidii daad rogmani dooxa maw xuliyay

dhulkoo raysku daashaday sidii doog masoobixiyay

sidii roobki dayreed majaray xagaa dabayshiisa

eray kalena waan daalacoo waankusii daraye


danwadaagta deriska ahi waa uliyo diirkeede

waa kuwo wixii soodersaba docuga soo jeesta

waa kuwo haday kaladurkaan cayyi daba taale

duqciroobay waayeel dabre ah duubabkiyo dhaqanka 

xalka doojintiisaan rabnaa inaad dedaashaane

dabkan baxaya inan damino baa doorkan waajibahe

allow nabada noodaa allaw dawganu toosi









Comments

gabayo

GEERAAR

GABAY

masafo