Geeraar waano ah

 asalaamu calaykum

waan idin salaamay walaalayaal

goorkastiyo goobkasta


halkan waxaan kusoo gudbinayaa geeraar

runtii ka hadlaya aakhiro iyo warkeeda iyo 

xisaabta taala maalinka qiyaame



war aayaadka quraankiyo

axaadiista rasuulku

arin maaha fudaydoo

amar weeye culaysloo

oogadeena lasaaroo

alleheen sidu sheegay

nafteenay edebteediyo

asluubteeda hagaajino

ashaxeeda wanaajin


qof ibliis indhasaabaan

islaamkii garanaynoo

ashahaadi kaleexdoo

iimaankii laga qaadoo

naftiisiiba ilaawoo

wanaagii laga ooday


war aayaadka quraankiyo

axaadiista rasuulku

waa arsaaqada koonkan

ruux ilaalinyaqaanaa

anfac uu ku helaayoo

umuurtiisa aduunyo

iyo aakhiradiisba

illaa hay u wanaajin


war aayaadka quraankiyo

axaadiista rasuulku

waa iftiin soconaayoon

abid kaa bakhtiyaynoo

xumaanta aad ku arkaysoo

aayar aad kaga baydhi


waa ilayskiyo nuurki

indhahaaga furaayeyo

wixii naarta ku aadan

awaykaaga ahaayood

illaahay kubaryaysay


noloshu wayska ayaamee

markay taada ahaatee

qabrigaagiyo iilkiyo

aaskaaga lajoogee

ehelkaaguna oohin

ilintii ceshan waayee

axankaaga lajoogee

agaskaagu ahaaday


maalintaan ubadkaagiyo

aabahaa iyo hooyiyo

oridaadu odhaahda

magacaa ilaawiyoo

waxan maydki ahayn

ilaahay hownaxariisto

afkooda soomarinayn


waa maraan arinkaagiyo

aduunkaad ku dhibtootaye

ururiseed u ordaysaye

intaasoo sano haysaye

adhaxdaada qaloocshey

ifkii aad uga guurtoo

abnimaan ulahayniyo

umadaasi cunayso


waa maraanad awoodiyo

itaal aanad lahaynoo

indhihii wax arkaynoo

adimihii soconaynoo

acmaashaadi istaagtoo

waxba lagaa aqbalaynoo

afkii uu ku malaasmay


umuurtaasi dhabweeyoo

idinba waad ogtihiinoo

akhiraa warjiraayoo

ma ilaawayo mowdku

naf aduunyadan joogtee

qof walowba ilaali

waajibaadki illaahay

u abuuray naftaadoo

islaam aynu ahaano


intaa suu ku egyahay geeraarka

ogaada soomaaliyeey waanada waxbaa lagu qaataa 

maga caygu waa maxamed tiriig 


kulan danboo xiiso leh
































Comments

gabayo

GEERAAR

GABAY

G GEERAAR