kani waa geeraar xigmadi ku dheehan tahay oo katarjumaya ama tilmaamaya qabiilo kamida qabiilooyinka soomaaliyeed dhaqankooda,noloshooda iyo suuradooda. abwaan maxamed maxamuud qaafo weeye dadkeenu oo waa qadiimi runtiiyoo waa dadaan qaldamaynoo isirkoodu qaloocan waa dad qoomiyadoodiyo qabiilkooda kufaanoo qasab aanay ahaynoo ruuxna loo qabsanaynin waa qaneeca dad yeeshoo qalinkooda anfaaciyo qorshayaal ku samaystoo qaran buuxa ahaaday waa dad aad u qabweynoo qarsanaaya dhibkoodoo ruuxkastoo quudhsanaaya qadaadkay ku dhuftaan waa dadaad qosolkoodiyo qaraaxaysiga yaabtid marka ay qayilaane qaadka ay cunayaan qaraamigooda macaaniyo qaaci bayska tuntaan waa dad aan qalalaasiyo qalqalooca jeclaynoo qaribaynin amaankoo qabsanaaya dantooda waa dad diinta quweeyoo baranaaya quraankoo qiimaynaaya islaamkoo quman oo tubta haysta waa dad xeer qabanaayoo qudbiyaal dhaqan yeeshoo qolona aanay gudbaynoo qadaf aanay galaynin waa dadaad quruxdooda quraysh aad umalaynoo labada qaar iyo tuurtiyo qadaa...
Comments
Post a Comment