Heestii caruurnimo

 hadii aad caruurtahay

ama cunugyar aad tahay

banooni aad ciyaartiyo

ciyaalnimadu waa sharaf


hadiise aad calaan tahay

caamay liita aad tahay

garashiyo caqlilahayn

 noloshaadu waa ceeb


ninkii aan casiimiyo

go'aan caadiya lahayn

ifka kuma cisooboo

ciil kama koruu noqon


waxa caada qaate ah

qof wuxuu cunaayiyo

ka fakara calooshoo

niyadiisu calaftahay



waxa caada qaate ah

nimaan cadadka bilihiyo

cadadiyo habeenkii

cimrigiisa badalayn


ninkii aan casiimiyo

go'aan caadiya lahayn

ifka kuma cisooboo

ciil kama koruu noqon


Comments

gabayo

GEERAAR

GABAY

masafo