Heestii qaranka

 tashadayoo talaabsaday

taydii dhistoo tegey

waxan tiigsanaayaa

hilin aanad toyanoo

toban sanoku gaadhayn



tabcayoo waxbaantaray

taagayoo waxtoosiyay

tabantaabadaan wado

waxba yay kutaabane

taada hoos ueeg



taaba geli allahayow

aragtidayda toolmoon

tolkeed uma naxaan iyo

tii dib haygu celin



lamatuuro taariikh

tagtadiyo tan maanta ah

dadkaad tacadideenee

xaqoodii ku tumateen

ma ilaawin towstii


toraydiyo warmihi dhigay

tabcadii adaa dhacay

maxaad iigu taahay

tamar waxand ulahayn

maxaad ugu tiraabay


taaba geli allahayow

aragtidayda toolmoon

tolkeed uma naxaaniyo

tii dibhaygu celin









Comments

gabayo

GEERAAR

GABAY

masafo