Heestii qaranka
qaran guuna baan ahay
bulshadaan qadariyaa
danahooda u qabtaayoo
qardoofada ka dhowraa
qaran guuna baan ahay
qalalaase ma aqaan
amnigaan quweeyaayoo
qalqalooca ka jiraa
qiima waxan ku leeyahay
ciidaydan qaniga ah
quwadna waxan u leeyahay
qoontayda kii jecel
qaran guuna baan ahay
qorshe waxan u leeyahay
wixii iga qabyoobiyo
qadiyadayda tooska ah
garan guuna baan ahay
qaanuunkii dalkaygiyo
sharcigaygu suu qoray
qubimaayo abidkay
qiima waxan ku leeyahay
ciidayda qaniga ah
quwadna waxan u leeyahay
qoontayda kii jecel
Comments
Post a Comment