Heestii xamar
waxa xanuunka igu riday
iyo xasuustan aan goin
shacabkaad xasuuqdaye
ee aan xad ka lahayn
imisaa barbaar xula
iyo xaakin iyo shiikh
xaqdara aad kulaysoo
kuu galay xabaalaha
xamarey xaqii alle
xinjirtaadan qubanay
xalbaa loohelaayaa
waadna xuurta tiranay
ciidankaa xarbiyayee
xaqu dirirka miidhana
xooga aanku biirino
nabada aan xasilinee
xaaladaha sidaasiya
hadaan xulufa laga noqon
xurmadaad lahaydiyo
jirimayso xuriyadi
xamareey xaqii alle
xinjirtaadan qubanay
xalbaa loo helaayaa
waadna xuurta tiranay
Comments
Post a Comment