Maanso
qaranka ninkii dafira
xilkiisa ninkii dayaca
duuruufahan maanta jira
siyaasad ka doon isdhaha
haduu duq gaboobay yahay
habeen darafkii majirin
dalkii niman baa dhisaya
dayac iyo darxumada kajira
ilaa maalintii duray
kakaacaankii dagaal la galay
daraadiin xabaal ugalay
dantoodii kuwii unacay
inaad nabad daayintiyo
barwaaqo durduurataan
dalkii niman baa dhisaya
kuwana way duminayaan
ku waa dhibta doonyoow
ergada iska diidayow
siyaasadi dow ma aha
dalkaaga waxkaaga mudan
dadkaagana kaaga roon
anigu dar allee magaran
duqaydii gobolka sool
daraawiish iyo dhasheed
waxan hadalka ugu daray
abtiyo dad gobaatihiin
xariir duna baadtihiin
dadkii dhaqankaad tihiin
dalbaan wada leenahoo
diinbaan wada leenahoo
dunjiga soomaalaynu nahay
hadana derisbaynu nahay
kuwaan abid kala durkayn
duulkii is dhalaynu nahay
nabada kusoo durkoo
shacabku dibin daabyo iyo
dagaal kuma baaqayee
duuruufaa iska jiroo
awalba waan daalanayn
dadkuna maba qaadikaro
darxumo aan dagaalanee
Comments
Post a Comment