Posts

TIRIIG-MEDIA

masafo

 Suugaan anmariyiyo Gabay maan jeclaynoo Midbaa igu qasbaysee Muraad kama galeenoo Muhiimada ujeedada Aan madasha keenee Mad madow masaaree Maqla oo bal daawada Aduunyada masiibiyo Wanaag baysku maranoo Murankiyo is haysigu Waa meheradeedoo Waxkastoo ka muuqdaba Hadaan loo muraad qumin Nina waxanu mahadinin Baa meesha imanoo Mataanahan is dilayaan Miyar odhanayaayoo Midkastaba gartiisaan Miiska saarayaayoo Marka hore isaaqow Maamulkiyo nidaamkii Maydaankaa dhigteenoo Ninwalbaa ka muuqdoo Cidna lama masuuginoo Meel looma diidine Xilku meerto weeyoo Marba qaar yimaadee Milgahaa lahaydeen  Haatan muuqanwaayoo Cidaa maamulayseen Burburbaa ka muuqdoo Sool magaaladeedii Colaadbaa ka milanoo Maxay rabaan maxaa dhacay Meeshaba mataaloo Madaxweynihii bay Dadkii maagayaanoo Muusow adaa dilay  Ku madiixayaanoo Laakiin maaha saasoo Mudo dheer waxsoo jiray Tabasha ay mudnaayeen Xe0er looma marinoo M

ceesta cabasho

 markii aan talamayee tuujiyaye wax eegayee tusaalaha ku siiyay taariikhda maan arag ruux tacabki uu galay wuxuu toosiyee kabay tartarada ka jabiyee  taladiina  keligii tiisii qudha ahaatoo tafaraaruq yimidoo loo taag la yahay alla taahu waynaa tabashaduna badanaa inuu shacabku kala tago toobiyuhu u furanaa markii aan talamayee tuujiyayee wax eegayee tusaalaha ku muujiyay waayeelki maan tebin mudantiina uma tudhin ninkastaaba tamartii weli waysku tolayaa dhaqankii tognaaye tiinabada waday  toos uma fahmayside waa taada ee wado alla taahu waynaa  tabashaduna badanaa inuu shacabku kala tago toobiyuhu u furanaa

heesta qaadka

 noloshaada qaadkiyo qayilaada ka ogow yaadka qoomamoonine qiijinta sigaarkana dibnahaaga ka qufulo cudur yaanad qaadine qabiilkaaga howbaran ugu faanka qola kalee waa qiimo dhicisoo qofkaad tahay masheegtee qorshayaal samaysoo qorshayaal samaysoo waa qaali hadafkuye saama laylka qudcurkiyo soojeedka qaarkii weligaa ha qabatimin qasaare caafimaadiyo waali aan laqaban karin nafsadaada howqarin qabiilkaaga howbaran ugu faanka qolokale waa qiimo dhicisoo qofkaad tahay ma sheegtee qorshayaal samaysoo qorhayaal samaysoo waa qaali hadafkuye

Heestii xamar

 waxa xanuunka igu riday iyo xasuustan aan goin shacabkaad xasuuqdaye ee aan xad ka lahayn imisaa barbaar xula iyo xaakin iyo shiikh xaqdara aad kulaysoo kuu galay xabaalaha xamarey xaqii alle xinjirtaadan qubanay xalbaa loohelaayaa waadna xuurta tiranay ciidankaa xarbiyayee xaqu dirirka miidhana xooga aanku biirino nabada aan xasilinee xaaladaha sidaasiya hadaan xulufa laga noqon xurmadaad lahaydiyo jirimayso xuriyadi xamareey xaqii alle xinjirtaadan qubanay xalbaa loo helaayaa waadna xuurta tiranay

Heestii jaahil

 ruux jaahilnima qaba jihaad lalama geli karo jaawe lalama dami karo jidna lalama marikaro jaar lalama noqon karo jees lalama degi karo jeeniga halkuu dhigo waa laga jihaystaa hadal jilicsan mahayoo jawaab male ujeedadu nin jiraa waxgaradee midaan joogin igadaa ruuxuu jacayl helay jabna uu kasoomaray xasuusteedi uu jaray laabta looma jebinkaro nafta jamasha lama baro jini raacu waa belo midaan adiga kula jirin jawhar laguma odhankaro hadal jilicsan mahayoo jawaab male ujeedadu nin jiraa waxgaradee midaan joogin igadaa

Hees sida doogi laalays

 sidii doogi laalays ama laagihii surud dhul caleentu lulatoo laacaayo ubixii ood laydha galabtii goor cadceedu liiqtahay heesii layla iyo qays luuq wacan ku qaaday laabtaydu jecelaa adoo igu lamaanoo laafyooda dhinacay sidii geenya ladanoo nugaal lagu rabeeyoo weli loolma baranoo farowgii laxaad saday oo lugaa garmaamada markay laamigaa tahay cidna aanay libiniyo laba laba ka badinayn laabtaydu jecelaa adoo igu lamaanoo laafyooda dhinacay

Geeraar waano ah

 asalaamu calaykum waan idin salaamay walaalayaal goorkastiyo goobkasta halkan waxaan kusoo gudbinayaa geeraar runtii ka hadlaya aakhiro iyo warkeeda iyo  xisaabta taala maalinka qiyaame war aayaadka quraankiyo axaadiista rasuulku arin maaha fudaydoo amar weeye culaysloo oogadeena lasaaroo alleheen sidu sheegay nafteenay edebteediyo asluubteeda hagaajino ashaxeeda wanaajin qof ibliis indhasaabaan islaamkii garanaynoo ashahaadi kaleexdoo iimaankii laga qaadoo naftiisiiba ilaawoo wanaagii laga ooday war aayaadka quraankiyo axaadiista rasuulku waa arsaaqada koonkan ruux ilaalinyaqaanaa anfac uu ku helaayoo umuurtiisa aduunyo iyo aakhiradiisba illaa hay u wanaajin war aayaadka quraankiyo axaadiista rasuulku waa iftiin soconaayoon abid kaa bakhtiyaynoo xumaanta aad ku arkaysoo aayar aad kaga baydhi waa ilayskiyo nuurki indhahaaga furaayeyo wixii naarta ku aadan awaykaaga ahaayood illaahay kubaryaysay noloshu wayska ayaamee markay taada ahaatee qabrigaagiyo iilkiyo aaskaaga lajoogee...